Sawirro: Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Gud. Jawaari oo caawa shir degdeg ah uu uga socdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa uu magaalada Muqdisho kullan degdeg ah uga socdo Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka Caawa oo ka socda mid ka mid ah Hoteelada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlayaa Mooshinka laga gudbiyay Jawaari.

Xildhibaanada uu shirka u socdo ayaa u badan kuwa saakay mooshinka ka gudbiyay gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana ku jira Xildhibaano kale oo la sheegay inay gadaal uga biireen Mooshinka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka Xildhibaanadan uu yahay mid ku saleysan dib ugalaabshada Mooshinka saaka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, waxaana lasoo sheegayaa in qabsoomida kulankaan uu ahaa mid uu wato Jawaari.

Xildhibaanada uu kulanka u socdo ayaa la soo warinayaa inay dib uga laabanayaan qodobadii ay ku eedeeyen Gudoomiye Jawaari kuwaas oo sababay in ay mooshinka ka gudbiyaan.

Kulanka oo weli socda ayaanan weli wax war ah lag helin,waxana la filayaa in ay saacadaha soo socda Go’aamo ka soo baxaan.