Itoobiya oo billowday qorshe ay isaga hor keeneyso maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa billowday qorshe ay ku dooneyso in ay isaga horkeento qaar ka mid maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu laalay heshiisyada shirkadda DP World oo qeyb ahaan Itoobiya faa’iido ku qabtay.

Generaal Gabre oo ka mid ah masuuliyiinta Itoobiya ee saameynta ku leh arimaha Soomaaliya, kana tirsan saraakiisha IGAD, ayaa shir qarsoodi ah kula yeeshay Nairobi masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Crown ee Nairobi, ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Jubba Land, Axmed Madoobe iyo masuuliyiin sar sare oo ka socday Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Sida lagu helay xogta shirkan, labada dhinac ayaa isla meel dhigay qaabkii maamul goboleedyada uga hor imaan lahaayeen qaraarka baarlamanka ee DP World kasoo saareen.

Waxaa la rumeysan yahay in Itoobiya ay ka faa’iideysaneyso xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Jubba Land, Koonfur Galbeed iyo Puntland, islamarkaana ay ku qancin karto in ugu yaraan fowdo ku furaan dowladda dhexe.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli dhowaan madaxda sare ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada lagu wado in ay ku kulmaan magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com