Yey taabacsan yihiin Xildhibaanada Aqalka Sare ee maanta Carqaladeeyay Go’aan ka qaadashada Shirkada  DP World?

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda ee Muqdisho,waxaana kulankooda ay uga doodayeen Xeerkii ay ansixiyeen Golaha Shacabka kaas oo dalka looga mamnuucayay shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaaradka Carabta.

Kulanka markii uu furmay ayaa waxaa xildhibaanada ay soo jeedinayeen qaarkood talooyin ku aadan in Goluhu aysan ansixin xeerkaas si waqti loosiiyo in ay uga soo talo bixiyaan,halka sidoo kale Golaha qaar ay sheegayaan in xeerkaan la meel marinayo.

Dood Kulul oo ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa saacado badan socotay, waxaana kulanka oo lagu waday in doodiisa la soo gunaanado ka hor salaada duhur uu kusoo dhamaaday Natiijo la’aan.

Kulankii Xildhibaanada ayaa waxaa hareereeyay buuq iyo Sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare ka dib markii la isku khilaafay Waqtiga ka doodista qodobkaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in kulanka Waqtigiisu uu dheeraaday, islamarkaana ay sii wadi doonaan ka doodida qodobkaasi, xildhibaanada Aqalka Sare maalmaha soo socda.

Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsamay sida dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee Wadanka Imaaraadka Carabta, waxa ayna Xildhibaanada badankooda soo jeediyeen in la daahiyo xeerkaas.

Xildhibaanada ugu badan ee carqaladeeyay fadhiga go’aanka looga gaari lahaa shirkada DP World ayaa taabacsan Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Somalia Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isnaa garab ahaan kasoo jeeda xulafada Imaaraadka Carabta.

Abshir Bukhaari, Cumar C/rashiid iyo Xildhibaano kale ayaa ololo ugu jira sida Golaha Aqalka Sare uu uga hor imaan lahaa Go’aanka uu baarlamaanka Somalia dalka uga eriyay Shirkada DP World.

Xildhibaano ku dhow 24 oo isbaheystay ayaa is hortaag ku sameeyay go’aanka la filaayay in laga gaaro shirkada DP World, kuwaa oo u muuqda inay mashruuc la xirteen dowlada Imaaraadka Carabrta oo aad uga walwalsan go’aanada DFS ee ka dhanka ah shirkada.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa doonaaya inay wakhtiga u dheereeyan shirkada, waxaana maanta la filaayay in go’aanka kadib xeerkaas uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo, kadibna lagu dhaqmo.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com