Xildhibaanadii la sheegay inay ka laabteen mooshinka jawaari oo been noqotay iyo xaaladda oo weli kacsan

Muqdisho (caasimadda Online) _ Warka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay been noqotay xildhibaanadii la sheegay inay ka laabteen mooshinkii ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Mid kamid ah guddiga joogta ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo magaciisa diiday in warbixinta lagu sheego ayaa sheegay inaysan jirin xildhibaano ka laabtay mooshinka laga keenay Jawaaru.

Xubintaas ayaa sheegay inay hayaan liiska xildhibaano gaarayo 107 xildhibaan kuwaas oo diyaar weli ah inay gudbiyaan mooshinka isla markaasna saxiixooda la hayo.

Xaaladda ayaa u muuqato inay sii cakirmeyso waxaana weli socdaa loolan adag oo lagu doonayo in meesha looga saaro guddooniye Jawaari.

‘ mooshinkii laga keenay Jawaari waa ansax mana jiron xildhibaan saxiixa ka laabto wararkaasna suuqa ayaa la wareejinayaa wax aan ognahay maahan’ ayuu yiri xubintaas ka tirsan guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa markii hore  sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey uu geyn waayay tirada mooshinka looga baahnaa markii qaar ka mida xildhibaannada ku saxiixnaa ay beeniyeen inay saxiixeen mooshinka, qaarna ka laabteen, waxaana muuqata inay arrintaaa suuqa soo geliyeen guddiga joogtada ah oo u badan taageerayaasha Guddoomiye Jawaari

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ahna wasiirkii hore ee amniga ayaa soo qoray farriin uu ku sheegay in Guddiga joogtada ah ay laaleen mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka markii u kooramkii laga rabay buuxin waayay, isla markaana wuxuu sheegay inaan lix bilood ka yar mooshin kale laga keeni karin Guddoomiye Jawaari.

Ma cadda sida arrintan ku suurageli karto, iyadoo guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey uu ku adleysanayo sharcinimada iyo jiritaanka mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda soo baxayo ayaa sheegayo inaan cadddeyn rasmi ah weli loo heyn xildhibaanada laga sheegay inay mooshinka ka laabteen.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com