Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo laalay Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Prof. Jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waxba kama jiraan ka dhigeen mooshinkii laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Shirkii Guddiga ee ka socday xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka soo baxay in Mooshinkaasi aanu buuxin koorankii loogu talogalay oo ahaa inay saxiixaan Saddex meelood hal meel tirada xildhibaannada oo ah 92 xildhibaan.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey uu geyn waayay tirada mooshinka looga baahnaa markii qaar ka mida xildhibaannada ku saxiixnaa ay beeniyeen inay saxiixeen mooshinka, qaarna ka laabteen, waxaana muuqata in guddiga joogtada ah oo u badan taageerayaasha Guddoomiye Jawaari ay ka hortageen mooshinka.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ahna wasiirkii hore ee amniga ayaa soo qoray farriin uu ku sheegay in Guddiga joogtada ah ay laaleen mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka markii u kooramkii laga rabay buuxin waayay, isla markaana wuxuu sheegay inaan lix bilood ka yar mooshin kale laga keeni karin Guddoomiye Jawaari.

Ma cadda sida arrintan ku suurageli karto, iyadoo guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey uu ku adleysanayo sharcinimada iyo jiritaanka mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda, sida Xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com