Kheyre oo ballanqaadyo aan caadi aheyn u sameeyay xildhibaanada mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Mooshinka ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia kawadaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay ay sii korortay tiradooda, waxa ayna iminka gaarayaan ilaa 198-Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka.

Mooshin wadayaasha ayaa waxaa u badan Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano aan xilal ka heyn Xukuumada jirta, waxa ayna ka siman yihiin in meesha laga tuuro Guddoomiye Jawaari.

Wasiirada iyo Xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa horboodaya Ra’isul wasaare Kheye oo isagu wacad ku maray in Guddoomiye Jawaari uusan lasii shaqeyn doonin dowlada ‘’Nabad iyo Nolol’’.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu Mooshin wadayaasha ku dhiirigaliyay inay ka takhluusiyaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo la eegaayo isbedel ka dhex curta baarlamaanka Somalia waxa uuna hal hees ka dhigtay ‘’Jawaari uma uusan dhalan xil heynta’’

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari uu ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada ugu badan, halka qaarna uu uga ballanqaaday dhaqaale xoogan oo abaalmarin ah, haddii ay xilka ka tuuraan Jawaari.

Xildhibaanada qaar ayaa ololo ugu jira in riditaanka Jawaari ay ku gaaran mansabyo kale, waxaana jira qaar badan oo uu wato shaqsiga imaan doona oo lawada ogyahay.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa waxaa jira qaar iminka ka tirsan garabka taabacsan Jawaari, kuwaa oo saacadaha ugu danbeeya kusoo biiri doona Mooshinka.

Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka ayaa u muuqanaaya mid ay isugu hanjabayaan Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, wallow aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com