Mooshinka gudoomiye  Jawaari & Baaqa bulshada Soomaaliyeed

Mooshin waa kalimad qalaad oo loo fahmay loona adeegsaday si ka duwan ujeedkeeda asalka ah sida uu ku fasiray Gudoomiye Jawaari “Mooshin iyo Xasaanad waa agabka kaliya ee Xildhibaanku leeyahay”.

Mooshin waa; soo jeedin, la xisaabtan, dhaliil, canaan iwm, waxaana u baahan dawlad kasta oo dimoqraadi ah.

Lkn dadka Somaaliyeed markii ay arkeen dhaqanka Xildhibaanadooda waxey u fahameen Mooshin; dumin, dib-u dhac, dibin-daabyo, khilaaf, loolan, xaalad-abuur, xasilooni-darro iwm.

Beryahaan waxaa dood badan ka jirtay sababta iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinka GudoomiyeJawaari;

Khilaaf Jawaari iyo Khayre miyaa? Jawaari iyo Farmaajo miyaa? Jawaari iyo Muudey miyaa? Jawaari iyo Sharif Xasan miyaa? Qabyo iyo Xukuumadda miyaa? Qatar iyo Emaaraat miyaa? DP World iyo Somaliland miyaa? IGAD iyo Khaliij miyaa? Beesha Xalane iyo dawlada Federaalka miyaa?

Su’aalahaas iyo kuwa kale ayey dadka Somaliyeed is weydiiyeen kadib markii ay ku soo kaceen aroortii 14 kii bishaan Mooshin aysan filayn, iyada oo laga hor-tegay laba Mooshin oo ka horeysay, Culimaduna uga digtay Xildhibaanada in ay Mooshin danbe keenaan, Sanadkaana loogu magac daray; “Sanadkii Xasiloonida Siyaasadeed”

Mucaarad, Muxaafid iyo dadweyne intuba waxa ay ku wareereen sababta Mooshinka. Lkn waxaa jira Su’aal ama Jawaab aan weli la is weydiin oo ah;

Mooshinka Jawaari wuxuu bilawday 6 bil ka hor, mana jirin xilligaas khilaaf u dhaxeeyay Jawaari, ku xigeenkiisa, M/weyaha iyo R/wasaaraha, hadda ayuu banaanka usoo baxay sababta? Xildhibaanadii Mooshinka ka qoray Jawaari 6 bil ka hor qaar ayaa hadda difaacaya Jawaari sababta? kuwii 2 bil ka hor difaacayey M/weynaha iyo R/wasaaraha ayaa hadda difaacaya Jawaari iyaga oo ku xumeynaya Khayre iyo Farmaajo sababta?, xagey Ciyaartu iska qaban la’dahay???

Dadka indha indheeya ama qiimeeya Siyaasada Somaliya waxey Biya dhaca Jawaabta ku tilmaameen hal qodob kaliya:

Tartan iyo Loolan u dhaxeeya 40 Xildhibaan oo Wasiirro ah iyo 40 Xildhibaan oo Wariirro rabta! Mushkiladuna waxey ka soo bilaabatay 2004 markii Qabqable-yaashii hore iyo dawladaha IGAD ay ku heshiiyeen in Xildhibaanka iyo Wasiirka hal qof isku qaadan karo, kana dhigeen qodob Dastuuri ah, Odoyaasha iyo Bulshaduna nasasho heli-mayaan inta uu qodobkaasi noolyahay.

Hadii aad u fiirsado Diinimada dhaqaajinaysa Mooshinka labada dhinac waa Xildhibaanada Wasiirada ah oo ku difaacaya kuraastooda iyo Xildhibaanada aan ku qanacsaneyn kursiga Xildhibaanka ee u hanqal taagaya kurassta Wasiirada.

Waxaana muuqata in ay guul-dareysteen baaqyadii Bulshada iyo dadaaladii M/weynaha, Aqalka Sare, Culimada, MadashaTalo-wadaag, Bulshada Rayidka, Dhaqanka ee lagu doonayey in arinta lagu qaboojiyo lana joojiyo Mooshinka.

Gudoomiye Jawaarina waxaa ka muuqata kalsooni uu ku qabo in la wada tago Sanduuqa Codka, lkn waxaa horyaal arrimo badan oo mugdi ku jiro; goorta Sanduuqa la tegayo, goobta la dhigayo Sanduuqa, cCdda leh go’aanka Sanduuqa, Cidda goobjooga ka noqoneysa, Tirada Xildhibaanada ka qeyb-gelaysa, Ciidamada ilaalinaya, cidda maamuleysa iwm.

Hadii xalkii siyaasadeed la diiday! Xalkii sharcigana u baahanyahay Tafsiir iyo is faham dhexmara 80 Xildhibaan oo isku haysta, oo wada doonaya 40 Kursi Wasiir, Dastuur iyo xeerar qabyo ah, Maxkamad fasirtana aysan jirin!

Armaa loo baahdaa oo fursad kale la siiyaa Kampala Accord iyo Beesha Xalane???

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)