30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Sugaha Sacuudiga “Geeri unbaa iiga dhiman inaan ku dul nasto Kursiga aabahey uu ku nastay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa sheegay in “dhimasha kaliya” ay ka xigto inuu xukumo boqortooyada wareysi dhinacya badan taabanaya oo ku saabsan safarkii ugu horeeyay ee rasmiga ah ee Mareykanka uu ku tago.

“Ilaah kaliya ayaa og inta qofku noolaanayo, laakiin haddii cimrigu igu simo, markaas waxaan rajeynayaan inaa boqortooyada waligeed anigu maamulo,” ayuu yiri Salman, wareysi gaar ah oo lagu soo qaatay barnaamijka 60 Minutes galabnimadii axadda.

Markii ay weydiisay wariyaha CBS ‘Norah O’Donnell haddii ay jiraan wax isaga hor istaagi kara inuu boqortooyada la wareego ayaa waxa uu ku jawaabay “dhimasho kaliya”.

Warbixinta 60 Minutes, oo aheed wareysigii ugu horreeyay ee telefishan Mareykan ah oo lala yeesho bin Salman tan iyo markii uu awooda la wareegay, ayaa waxay ku tilmaameen amiirka inuu yahay hogaamiye kaas oo u keenay isbedel dhab ah dalkiisa.

Wareysiga ayaa imanaya bilooyin ka dib markii boqortooyadu ay xabsiga dhigeen dhawr Amiir iyo mas’uuliyiin kale oo muddo bilooyin ah ku jira hotelka Ritz Carlton ee magaalada Riyadh howlgalkaas oo amiirka dhaxal sugaha ugu yeeray mid xididada looga siibayo musuqmaasuqa”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News