Kooxo hubeysan oo qof shacab ah iyo askari ku toogtay degmada Yaaqshiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa caawa falal dil ah ka geystay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Towfiiq, iyagoona toogtay askari iyo qof shacab ah, sida xaqiijiyeen hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Koox ku hubeysneyd Bastoolado ayaa beegsaday Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Bar Kontorool oo ku dhow Hotelka Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxayna ka toogteen Askariga qeybta sare ee jirkiisa.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in sidoo kale Dableyda hubeysan ay dileen qof shacab ah oo goobta ka akdhawaa, kadib goobta ayay ka baxsadeen raggii dilka geystay.

“Wallaalow niman Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa fiidkii agagaarka Hotelka Towfiiq waxa ay ku dileen Askari iyo qof shacab ah, Askariga markii la dilayay waxa uu ku mashquulsanaa baaritsa Gaadiidka wadada isticmaaleysay, marqura ayaa rasaas lala dhacay, kadib raggii way baxsadeen.” Waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Waxaa goobta dilka ka dhacay gaaray maamulka degmada iyo ciidamada ammaanka, waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay tiro dhalinyaro ah oo saarnaa gaari nuuca raaxada ah, kaasi oo ka mid ahaa gaadiidka ku jiray safka baabuurta ah ee la baarayay.

Raggan la qabtay ayaa waxaa loola dhaqaaqay xarumaha baarista, waxaana looga shakiyay in ay wax ka ogyihiin dilka dhacay. balse baaritaano dheeraad ah ayay Hay’adaha ammaanku sheegeen in lagu sameyn doono.

Waxaa muuqata in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan ragga hubeysan, Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayay Muqdisho ka dhaceen dilal, xalay xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Millitariga oo lagu magacaabi jiray Yuusuf, sidoo kale Sabtidii xaafada Taleex ee degmada Hodan waxaa lagu dilay Nabadoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com