Maxkamadda oo lawareegtay Natiijadii doorashada deeganka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) Labo cisho ka hor markii rabshado dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen ka dhaceen magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland,ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada golaha deeganka Ciise Yuusuf Xamari wuxuu sheegay in natiijada degmada Hargeysa lagu wareejiyay maxkamadda.

Wuxuu sheegay markii ururada siyaasadda iyo axsaabta ka dhisan Somaliland ay diideen in dib loo tiriyo doorashadii ka dhacday magaalada Hargeysa, waxan go’aan ku gaarnay in natiijada doorashada aan ku wareejino maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex, ayuu yiri

“Guddiga doorashada wuxuu dadweynaha Somaliland ogeysiinayaa in doorashadii golaha deeganka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si-waafaqsan sharciga doorashooyinka golayaasha deeganka, iyagoona goob joogn ka ahaayeen wakiiladda xisbiyada iyo goobjoogayaal caalami ah iyo gudaha”

Ciise-Xamari-Guddoomiyaha-Komishanka-Doorashooyinka-Qaranka-Somaliland
Ciise-Xamari-Guddoomiyaha-Komishanka-Doorashooyinka-Qaranka-Somaliland

Wuxuu sii hadlay “Komishanka doorashooyinka qaranka wuxuu maanta oo taarikhda tahay 10-ka bishan December 2012-ka go’aasaday in loo gudbiyo natiijada doorashada  degmada Hargeysa maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, markii uu komishanka dib u eegis ku sameeyay natiijada doorashadda, isla markaana hufid ku sameeyay natiijada xogta goobihii codbineed ee Farowayne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimada Hargeysa, kaddib markii xisbiyada iyo ururadda siyaasadda ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay , waxa uu ku saleeyay natiijada goobaha ay isla saxeen howlwadeenada kamishanka heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda…..

Maxkamadda gobalka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ee ka soo baxa xisbiyadda iyo ururadda, xisbiyadda iyo musharixiinta.

Ugu dambeyn guddiga doorashada maamulka Somaliland ayaa yiri “Komishanku waxay kulla talinayaan axsaabta musharrixiinta iyo dadwaynaha Somaliland in guulihii laga soo hoyay doorashayoonkii golayaasha deeganka ay ka marag kaceen goobjoogayaashii caalamiga ahaa  iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa, Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ee ay ku caano-maashay, sumacadda weyna ay adduunka kaga yeelatay in la dhowro.”

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa