Wafdi ka socda QM iyo Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray + Ujeedka

Mogadishu (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ayaa maanta soo gaaray magaalada Mogadishu, ujeedkooduna wuxuu yahay inay u kuur-galaan howlgalka Ciidamada Nabad-Ilaalinta Midowga Africa (AMISOM) eek u sugan Soomaaliya.

Ramtane Lamamra iyo Jean Marie Guehenno oo ahaa wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo hogaaminaya Wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur-geli doona suurtogalnimada ku aadan haddii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay masuuliyadda Amniga dalka kala wareegi karaan AMISOM.

Jean Marie Guehenno oo ah Ergayga ka socda Qaramada Midoobay ayaa daaha ka qaaday inay muhiim tahay inay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed la wareegaan masuuliyadda ammaanka Soomaaliya.

Labadaan masuul ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhanka kale, Ramtane Lamamra iyo Jean Marie Guehenno ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa u jooga Soomaaliya, waxayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.

Dhanka kale, labadaan wakiil ayaa ku nuux-nuuxsaday inay weli yar tahay taageerada ay Beesha Caalamku u fidiso Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan iyo kuwa Soomaaliyaba.

Caasimada Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@live.com