Dib u dhac ku imaaday kulankii baarlamaanka ee maanta lagu ballansanaa & Sababta dib u dhaca oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dib u dhacay kulanka la doonaayay in maanta oo Sabti ah ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo la filaayay inuu ka furmo xarunta Golaha Shacabka ayaa dib u dhacay kadib markii ay soo baxday cilado farsamo.

Kulankaan maanta baaqday ayaa noqonaaya kulankii Saddexaad oo si lama filaan ah ku baaqday, iyadoona kol hore uu baajiyay Madaxweynaha Farmaajo Markii ugu dambeysana la sheegay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa waxa ay sheegeen in ay soo jeediyeen in aan lagu shirin xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana meel ka baxsan lagu shiro.

Dib u dhacyada kulamada ayaa la sheegay inay sabab u tahay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhex taagnaa Khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay Shaqaddii Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, saaxiibada caalamka ayaa ku dadaalaya sida lagu qaban lahaa Mooshinka Guddoomiye Jawaari iyadoo aanu dhicin wax dhibaato ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com