Sawirro: RW Xasan Kheyre oo abaalmariyay ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay booqday xarumo ay ku howl-galaan ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Somalia.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehlinaayay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda  nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo  xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa markii uu gaaray goobahaasi oo badi ku yiilay Isgooska Banaadir, ayaa gacanqaaday ciidamada NISA ee heeganka ku jiray.

Wuxuu taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aadan sidii ay ugu hor tageen Qaraxyadii shalay lagu dhuftay laba barkoontarool oo ay lahaayen ciidamada.

Booqashada Ra’isul wasaaraha dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aadan sidii ay ciidanka uga hortagaan amni darada.

Intaa kadib Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isla goobta abaalmarino ku gudoonsiiyay ciidamada NISA, taa oo ka dhigan dhiirigalin hor leh.