Maxaa ka jira in dowladda Imaaraadka Carabta ay aqoonsatay baasaboorka Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online)– Warar soo baxayay saacadihii u danbeeyay ayaa sheegayay in dawladda Imaaraadka Carabta ay aqoonsatay in dalkeeda lagu soo galo saddexda nooc ee uu ka kooban yahay Baasaaboorka maamulka Somaliland, kuwaas oo kala ah baasaabooradda ay qaataan shacabka, diplomasiyiinta iyo kan shaqaalaha dawladdu.

Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ayaa ka waramay arrintaani isagoo sheegay in tallaabadaani ay tahay mid wadada u xaareysa bilawga aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale.

“Waxa aan aad iyo aad u hambalyaynayaa madaxda dawladda Imaaraadka Carabta oo uu ugu horeeyo Sheikh Khaliifa, taalabada geesinimada ah, ee xaqqa ah ee ay qaadeen, taariikhdana waxa ay ka geli doonaan baal dahab ah” ayuu yiri Feysal Cali Waralbe.

“Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa In saddexdeenii Passport ee Diplomat, Service iyo Kii shacabkaba ay aqlabaan in lagu galo dalkaasi, waxaanay bilaw u tahay aqoonsiga Somaliland, waxaanan u rajaynaa in ay waddamo badanina ay ku dayan doonaan” ayuu sii raaciyay warkiisa.

“Waxaanay caruurteena iyo hablaheenu ka raysan doonaan Baasaaboor ay u doontaan Garoowihii lagu bahdilayay, waxaanu insha allaah uu keeni noqon doonaa kuwa adduunka ugu qaalisan” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ilaa weli si rasmi ah warkaan u xaqiijin, iyadoo ay xaqiiq dhab ah noqoto ay meel ku dhac ku tahay xadgudub ay Imaaraadka Carabta u geysteen qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.