Xog: Xildhibaano tashwiish ka dhex abuuray xildhibaanada taageersan Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in buuq uu ka dhex curtay Xildhibaanada garabka taabacsan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada uu buuqa ka dhex curtay ayaa la xaqiijiyay inay ka dhex shaqeeyen Xildhibaano kale oo ka tirsanaa garabka Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari, kadib markii ay tashwiish kala dhex dhigeen.

Xildhibaanada usoo go’ay garabka Mooshin wadayaasha ayaa waxaa kamid ah Cabdirashiid Xiddig, oo markii hore qeyb ka ahaa garabka Jawaari ee Mooshinka kasoo horjeeday.

Xildhibaan Xiddig oo iminka qeyb ka ah mudanayaasha ka shaqeynaaya tagitaanka Guddoomiye Jawaari, ayaa qudhiisa tashkiilin ku wada Xildhibaanada garabka Jawaari, waxaana xusid mudan inuu caqabad ku yahay garabka Jawaari.

Xildhibaan Khadiijo Diiriye oo ka hadleysay arrinta Mooshinka ayaa sheegtay inay jiraan Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsanaa garabka Jawaari kuwaa oo iminka kusoo biiray garabka Mooshinka.

Waxa ay Xildhibaanadu sheegtay inay ku dhex jiraan xitaa garabkaasi, isla markaana ka shaqeyn doonaan sida tirooyinka ku harsan looga soo il duufin lahaa.

Waxa ay intaa kusii dartay in kala jabkooda ay sababtay khilaaf iyo xiisad dhexdooda ah, balse aysan waxba u arki doonin saameynta uu ku yeelan doono Mooshinka garabkaas.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa xiisada gaara sii galineysa buuqa ka dhex aloosan baarlamaanka, wallow lagu guul dareystay xal u raadinta Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com