Saraakiil ciidan oo qeyb ka noqday kiiska la wareegida BF iyo xilalka oo laga xayuubinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli ku howlan baaritaanka kiiska ciidamadii la wareegay Xarunta baarlamaanka Somalia.

Ciidamadan ayaa garab boodayay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana si hoose uga qeybqaatay Saraakiil ciidan oo ka kala tirsanaa Militeriga, Booliska iyo Nabadsugida.

Guddi isku dhaf ah oo ay soo xuleen Hay’adaha amaanka oo baaritaan ku haya kiiska Saraakiisha iyo ciidamada ka qeybqaatay la wareegida Xarunta baarlamaanka, ayaa laga soo xigtay in baaritaanka ay ku heleen dhowr Saraakiil oo ka tirsan Militeriga.

Saraakiisha ciidamada ee Hubka qaranka la garab istaagay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa kamid ah Sarkaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan Saraakiisha Militeriga.

Liibaan Madaxweyne ayaa la sheegay in qoryo iyo ciidamo uu ku caawiyay Farmaajo, kuwaa oo weerarka kadib dib loogu celiyay furumahooda.

Ciidamada ilaa iyo hadda loo xiray kiiskan ayaa gaaraya 70 kuwaa oo kala bar ka tirsan Militeriga, halka qaarna ay ka tirsanaayen Booliska balse loo bedelay dareeska.

Sidoo kale, baaritaanka kiiskan ayaa waxaa qeyb ka noqday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo qeyb ka ah garabka Mooshinka kasoo horjeeda ee la safan Jawaari.

Ma cadda halka uu caga dhigan doono baaritaanka weli socda, waxaana xusid mudan in Saraakiil iyo Taliyayaal dhowr ah ay ku weyn doonaan xilalkooda, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan guddiga ku howlan baaritaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com