Xog: Yaa la wareegay amniga safaarada Imaaraadka ee Somalia khilaafka labada dal kadib?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, waxaa amniga Safaarada Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo ka tirsan AMISOM.

Ciidamadan oo wata dhowr gaari nooca dagaalka ayaa amniga Safaarada kala wareegay tiro ka tirsaneyd ciidamada Somalia ee uu Horay u tababaray Imaaraadka.

Ciidamada AMISOM ee sida KMG ah ula wareegay amniga Safaarada ayaa caawinaaya ciidamo kale oo ka tirsan Militeriga dowlada kuwaa oo dhawaan la geeyay Safaarada.

Gudaha Safaarada ayaa waxaa ka dhexmuuqda Gaadiidka iyo ciidamada AMISOM, oo ku daadsan inta badan Safaarada, halka qeybaha kale ay ku gudan yihiin tirroka tirsan Militeriga Somalia oo halkaa la geeyay wixii ka danbeeyay markii ay dowlada Imaaraadka alaabteeda kala baxday Somalia.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgaleysay Safaarada ayaa sheegay in si guud amniga Safaarada loogu wareejiyay AMISOM, maadaama uu Imaaraadka khilaaf kala dhexeeyo Somalia, taa oo keeni karta shaki Diplumaasiyadeed oo labada dowladood ah.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in Xafiisyada Safaarada ay iminka yihiin kuwo u xiran si KMG ah, hase ahaatee ay ku sugan yihiin kaliya ciidamada AMISOM iyo tirro yar oo ka tirsan Militeriga Somalia.

Dowlada Imaaraadka ayaa Dekadda Xamar Markab uga raratay dhammaan agabkii shaqo ee ka yiilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xerooyinka ciidan iyo Safaarada.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan weli jiljileec u muujin dowlada Imaaraadka Carabta oo bilihii ugu danbeysay lasoo baxday ficilo muusaya awooda Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com