Xildhibaan sheegay inuu indhihiisa ku arkay arrin uu aad uga naxay oo ka dhacday gobol kamid ah Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka weli ka jira Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia laga doonaayo inay dadajiso dadaalka lagu soo afmeeri lahaa dhibta ka jirta magaalada Beledweyne iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga.

Waxa uu Jeesow carab dhabay in dhibaatada ka jirta Gobolka Hiiraan ay tahay tii ugu xumeyd oo uu abid ku arko Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay inuu indhihiisa ku arkay in carruur yaryar loo waayay wax ay cunaan balse raashiin looga dhigay Maqaar la kariyay.

‘’Dhibta ka jirta Beledweyne waxaa kamid ah in dadka deegaanka ay cunno ka dhiganayaan maqaar la kariyay, taa waxa ay ka turjumeysaa in dhibaatada jirta ay weyn tahay’’

Xildhibaanka ayaa sheegay in kuwa barakacay iyo kuwa weli Baladweyne ku haray ay yihiin kuwo isugu mid ah dhibaatada, si gaar ah dadka ku nool ayuu sheegay Xaafada Howl-wadaag oo dhibaatada ugu daran ay heysato.

‘’Waxaa su’aal ah goormee ayaa Somalia ugu danbeysay in qof baahan uu cunno ka dhigto maqaar la kariyay, sidaa aawgeed waxaan ganacsatada ugu baaqayaa inay ka qeybqaatan xal u helida dhibta taagan’’

Sidoo kale, Jeesow ayaa dhacdooyinka fatahadaha iyo roobka Hiiraan ku sheegay mid aanu horay usoo marin, waxa uuna sidoo kale dadka deegaanka ugu baaqay inay isku gurmadaan.

Haddalka Jeesow ayaa kusoo beegmaaya iyadoo weli boqolaal qoys ah ay weli dhex jiifaan biyaha ka dhashay fatahaada iyo roobabka, wallow intabadan dhibaatada xal loo helay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com