Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali, kaddib booqasho hal maalin oo uu ku yimid Muqdisho.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali, ayaa Garoonka Muqdisho uga dhoofay Diyaaradii keentay oo ku sugneyd garoonka, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Farmaajo iyo Abiy Ahmed Cali, ayaa kulan khaasa ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana ka soo baxay war murtiyeed qodobo badan ka koobaan.
Labada mas’uul oo Shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa waxay ku caddeeyeen in xoojinayaan xiriirka labada dal u dhaxeeya, isla markaana uu haatan bog cusub u furmay.
Farmaajo ayaa ku ammaanay Ra’isul wasaare Abiy Ahmed Cali is bedelada iyo dib u habeynta uu ku sameeyay siyaasadda dalkiisa.
Dhinaca kale, booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu ku yimid Muqdisho ayaa ka mid aheyd, socdaalo uu ku marayay dalalka deriska, sida Jabuuti, Kenya, Sudan iyo Uganda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho