Gudoomiyaha Baarlamanka oo gudi dabagal u magacaabay heshiiskii..

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gudi u saaray dabagalka heshiiskii ay gaareen dowlada Soomaaliya iyo Turkiga.

Iyadoo maanta lagu waday in Baarlamanka ay ka doodaan Arimaha Miisaaniyada ayaa ajandahaas dib loo dhigay dib dambana looga arinsan doono.

Prof Maxamad Cismaan Jawaari ayaa maanta ku dhawaaqay gudi ka kooban shan xubnoood kana tirsan Baarlamanka waxaana ay dabagalayaan heshiskii dowlada iyo Turkiga.

Gudigan uu jawaari magacaabay waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab ciise

Arinta magacaabista ayaa timid kadib markii Xukuumada ay horkeentay Baarlamanka ansixinta heshiiskaas.

Kadib Markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu tagay Turkiga ayaa waxaa heshiis uu dhexmaray wasiirka gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga.