Garab ka mid ah ONLF oo sheegay in ay aqbaleen Dastuurka Ethiopia.

Addis Ababa (Caasimada Online) Sarkaal ka tirsan ururka ONLF ayaa sheegay inay aqbaleen dastuurka Ethiopia oo sabab u ahaa inay burburaan wadahadallo dhexmaray  Ururka iyo dawladda Ethiopia bishii October ee sannadkan.

Cabdninuur Cabdullaahi Faarax oo ah kaaliyaha xoghyaha arrimaha dibedda ururka ONLF isla markaana xubin ka ah Guddiga Fulinta ayaa sheegay inuu ku sii jeedo magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia.

Wuxuu sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu la xiriiro sddii uu wadahadallada usii wadi lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu yiri “Dowladda Ethiopia sida aad la socotiin muddo ayaan wadahleynay oo wadahadalladii waa kii ay hakadeen, si aan kutalagal ahayn ayey u hakadeen ,koley ONLF kama aysan noqon wadahallada, haddii aan nahay madaxdii Jabhadda, qaabka ay wadahallada u hakadeen markii ay yimaadeen caqabado”

Wuxuu kaloo sheegay in koo yar ay go’aan gaartay kuwaasoo sheegay in dastuurka Ethiopia aysan oggoleen, marka kaddib tashi aan sameenay hoggaankii jabhadda iyo golihii dhexe waxan go’aan sanahay in wadahadallada ay sii socdaan , dastuurka Ethiopia aan ku wada xoojoono oo aan qaadano dastuurka Ethiopia” ayuu yiri

Mar la weydiiyay go’aanka cida ku wehlisa wuxuu yiri “Annigu masuul ayaan ahay, halganka aan matalayay waxa uu ahaa guddiga dhexe ayaan ahaa ee ururka, ragii halganka iyo dagaalka ururka bilaabay ayaan ahaa, ma ihi qof kaligiis dhaqaaqi kara, waxan matalayaa shacabka Soomaaliya ogaadeeniya, ONLF ayaan matalayaa, magacii kaadirka, kii golaha dhexe ee ururka ayaan matalayaa”

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiri karaan dad tira yar oo ka soo horjeeda go’aanka uu qaatay inta badan hoggaanka ururka ONLF.

Dhinaca kale, waxa go’aankaas ka soo horjeestay  Cabdilqaadir Xasan Hir-mooge oo ah Af-hayeenka Ururka ONLF, kana tirsan golaha dhexe.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo u socda Ururka ONLF iyo dowladda Ethiopia.

Wuxuu kaloo sheegay  Cabdinuur Cabdullaahi Faarax inuusan xubin sare ka aheyn wadahadalladii hore ee lala galay xukuumadda Addis Ababa ee ka dhacay Nairobi isla markaana aan loo xilsaarin arrintaasi.

Si kastaba, waxa muuqata khilaaf hor leh iyo kala sii fogaansho ka dhexjira hoggaanka ONLF.

ONLF iyo dowladda Ethiopia bishii October ee sannadkan ayaa kulan uu ku dhexmaray magaalada Nairobi, laakin waa lagu kala booday.

Kulankaas waxa kaloo ka horreeyay  labo kulan oo hore oo Nairobi iyo London lagu qabtay.

Sida lagu wado hadii uu wadahadalladda labada dhinac uu horray u socdo, waxa ugu horreeya ee la isla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Ethiopia u dhaxeeya uu weli socdo.

Kaddibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qoddobada lagu wada heshiinyo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awoodda iyo maamulka gobolka Soomaalida.

Ethiopia tan iyo markii uu geeriyooday ra’iisal wasaarihii hore waxa is badalay, wax yaabo badan, iyadoo uu hoggaanka cusub durba la soo baxay siyaasad ka yara duwan tii Meles Zenawigii geeriyooday.

ONLF waa koox in muddo ah dagaalo jabahadeen ah kula jirtay dowladda Ethiopia, sannadkii horre ayaa garab ka mid ah uu la heshiiyay dowladda Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi