Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ku kulmaya Nairobi.

Nairobi (Caasimada Online)  Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Nairobi, uu kulan la qaadan doono guddoomiyaha ku meel-gaarka ee magaalada Kismaayo ahna hoggaamiyaha ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isna gaaray  magaalada Nairobi maanta oo sabti ahayd.

Madaxweynaha ayaa galabta la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Ma jirto wax-faah-faahin ah oo laga hayo safarka uu maanta ugu ambabaxay Axmed Madoobe magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Laakin illo lagu kal soon yahay ayaa sheegay in uu kulan la qaadan doono Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud si ay uga wada hadlaan arimaha maamul usamaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdi uu soo diray madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii uu sheegay in aan lagu soo wargalin.

Sidoo kale, inta uu halkaas joogo Axmed Madoobe waxa uu kulan kula qaadan doona urur gobaleedka IGAD oo ku howlan maamul usameenta gobada Jubbooyinka iyo Gedo oo hadda meel gabagabo maraya.

Sidoo kale waxa kulanka madaxweynaha uu la qaadan doono Axmed Madoobe uu la qaadan doono shirweynaha Jubbaland oo hada la xaqiijiyay in Bisha January ee sanadka cusub uu dhici doono.

Hoggaamiyaha kooxda Raskambooni Sheekh Axmed Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku sagootiyay, saraakiilsha Ciidamada Huwanta iyo kuwa Kenya.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi