Dowladda oo war naxdin leh u dirtay hay’adaha gar gaarka caalamiga ah

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hay’ad aysan ka warqabin ka howlgali karin dalka Soomaaliya xilli hay’ado badan dalka ay ka shaqeeyaan.

Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys xilli ay ka hadlaysay kulan ay la qaadatay Hay’adaha ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa arintaan ka dhawaajisay.

Maryan Aweys Wasiirka Adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay inay farxad u tahay dalka Soomaaliya ay ka dhamaatay marxaladii kala guurka aheyd Dowladda iminka jirtana ay tahay Dowladd rasmi ah.

Majiri doonaaan ayay tiri  qorshayaal ay dusha kala imaadaan Hay’adaha caafimaadka iyo kuwa howlaha kale ka qabta dalka Soomaaliya islamarkaana hogaanka Hay’adaha ay leedahay Wasaarada adeega Bulshada.

Wasaarada adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay maalintii shalay dhamaan Hay’adaha ka howlgala dalka Soomaaliya ee qaabilsan dhanka caafimaadka iyo gargaarka intaba.