Jigjiga (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa la wareegay dhammaan goobaha muhiimka ah ee ku yaal Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Guud ahaan Magaalada ayaa waxaa saaka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u badan iyo kuwa siyaasadeed.
Baarlamaanka Maamulkaas ayaa Maanta halkaas ku yeelanayo kulan xasaasi ah oo la doonayo in wax looga badalo qodobo ka mid ah dastuurka Maamulkaas u dajisan.
Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay is khilaafeen Madaxda Maamulkaas waxayna arrintaas sababtay in Maanta ciidamo lagu soo daadiyo .
Meelaha ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa kamid ah xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay inuu ku dhawaaqo madax banaani, inkastoo wararkan uu yahay mid aad isu soo tarayay.
Xiisada saaka ka jirta Jigjiga ayaa timid, maalin kaddib markii magaalada Diri-dhaba uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhinacyo ka soo horjeeda Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar
Tan iyo markii uu is bedelka siyaasadeed ee dhanka awoodda uu ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa yaraaday awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar, gaar ahaan xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe.
Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa badalay dhammaan qaababkii siyaasadeed oo ay dowladdii hore kula macaami jirtay maamulada ka jiro deegaanadaas, waxaana muuqato in markaas culeys xoog leh lasoo saaray ismaamulka Soomaalida ee uu hoggaamiye Cabdi Iley.
Wararka ugu badan ee la helayo ayaa Sheegaya in Madaxweeyne Cabdi Maxamed Cumar iyo Maamulka Sare ee Itoobiya uu Mugdi soo kala dhex galay oo ayna ubadantahay in xilka laga tuuro Cabdi Maxamed Cumar oo Muddo soo maamulayay Dowlad deegaanka.
Sawiro iyo Muuqaalo koo kooban oo Warbaahinta Bulshada lasoo galiyay ayaa Muujinayay Xeyn Gawaari ah oo Milatarigu leeyahay oo Bartamaha Jigjiga taagan Sidoo kale waxaa la arkay askar aan tiro yareeyn oo Xaafadaha Magaalada isku dharariyay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah