R/W Kheyre iyo Khadar oo ku haftay juqraafiga dalka kadibna abuuray muran.!!

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada maamul goboleedka Puntland.

Xassan Cali Kheyre maalintii uu ka degay Garowe waxa ay dadweyne aad u tira badan ku soo dhaweeyeen barxdda magaalada isaga oo ku hadlay halkaas.

Hadaladdiisii waxaa ka mid ahaa: โ€œWaxaad ku mahadsantihiin mudane iyo madaxweyne adiga iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland in aad igu soo dhaweyseyn dhulkii xudunta u ahaa halgankii daraawiishtaโ€.

Hadallada Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa ay dhaliyeen muran ku saabsan juqraafidda dalka iyo sida ay deegaanado kala yihiin.

Sida taariikhda lagu hayo xaruntii halgankii Daraawiishta waa degmada Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool, magaalada Buuhoodle ee ka tirsan Gobolka Togdheer iyo deeganado kale oo ku xeeran!

Waxaa ka daray Xassan Cali Kheyre ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed โ€˜Khadar!โ€™ Isaga oo hadal ka jeediaya xaflad habeenkii jimcaha ay Puntland ugu dabaal dageysay sanadguuradeedii 20-aad, waxaana uu yiri:โ€œPuntland wa hoygii halyeeyaddii curiyey halgankii 60-kii, Allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaadhsiiya, Allow yaa yiraa dadkaagii dowladnnima qaateโ€.

Hadaba, suโ€™aasha ayaa ah labada masโ€™uul miyeysan kala aqoon dalka?

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]ย 

- Advertisement -

Read more

Local News