24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Shir muhim ah oo Soomaalida uga furmay Magaalada Johannesburg

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kulan sanadeedkii 3 aad ee jaaliyadda Soomaalida wadankan Koonfur Africa oo xalay ka furmay magaalada Johannesburg ayaa si habsami leh uga sii socda Masjidka Imaamu Shaafici ee magaaladani.

Kulanka oo ay ka qeyb galayaan Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano Soomaalida dhexdeeda ayaa sanad walba waxaa lagu casuumaa qaar ka mid ah culumada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay dadkooda ku dhaqan wadankan ugu faa’ideeyaan xilliyadan fasaxyada la galo wadankan.

Sanad walba waxaa kulankan soo qabanqaabiya oo suura galiya in ay Culumada Soomaaliyeed wadankan kula hadlaan Soomaalida, Hey’adda Culumada Soomaalida waddankan ee lagu magacaabo Albayaan Islamic Counsil Trust.

Waa sanadkii 3aad ee kulankan lagu qabto waddankan isaga oo noqon doona mid taxane ah oo sanad walba lagu qabto halkan. Kulankan ayaa soo bilaawday sanadkii 2010kii kolkaasoo waxii ka dambeeyey dalkan lagu casuumay culumo waawayn.

Sanadkan 2012 ayaa waxaa ka qeyb galaya sida uu ii sheegay Sh Axmad Dheere oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Albayaan Islamic Counsil Trust, culuma gaareysa ilaa iyo lix sheekh oo ka kala yimid meelo aad uga fog fog waddankan South Africa.

Mashaa’iqda ilaa iyo hadda magacyadooda aan helnay waxaa ka mid ah:

  1. Sh. Maxamad Cabdi Umal…….Kenya
  2. Sh Cusmaan Cali Faarax………London, United Kingdom
  3. Sh Sh Maxamad Aadam………Soomaaliya
  4. Sh Maxamad Idiris Axmad….Sacuudiga
  5. Sh Maxamad Calasow…………Kenya
  6. Sh Cabdirixiim Dhabar Abul Ceyneyn……Kenya

Kulankan sanadlaha ah ee haatan ka socda Masjidka Imaamu Shaafic ee magaalada Johannebsurg waxaa uu socon doonaa muddo 3 cisho ah ayadoo bishan 28keeda uu dib uga furmi doono Magaalo xeebeedka Capetown.

Goobaha ay culumada tagi doonaan ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Port Elizabeth, Rustenburg iyo meelo kale oo si weyn ay jaaliyadda Soomaalidu u degan tahay.

Culumadii hore uga qeyb gashay kulankan sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah Sh. Maxamuud Shible, Sh Cali Wajiis, Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun iyo Sh Axmad Daahir Aways.

Hey’adda Albayaan Islamic Counsil Trust ayaa ah Hey’ad Soomaaliyeed oo mar walba isku howsha sidii ay dadka Soomaaliyeed u gaarsiin diinta meel walba iyo waqti walba, waxaana howlaha Albayaan ay qabato ka mid ah Aaska Soomaalida Dalkan ku dhimata, Furidda madarasooyin ay carruurta wax ku bartaan, qabashada tartamada Qu’raanka, u dooddida xuquuqda dadka Soomaalida ee badankood aan sharciyo wanaagsan ku joogin dalka iyo waliba taakuleynta Agoomaha.

Albayaan ayaa mararka qaar waxqabadkeedu ka tallaabsada waddankan oo waxaa lagu xusi karaa xilligii abaaraha Dalka Soomaaliya ku habsadeen oo ay u istaagtay in ay Soomaalida ku wacyi geliso iney dadkooda caawiyaan.

Yusuf Shuqale

Johannesburg

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News