XOG: Warar sheegaya in Faroole uu ogolaaday arrin aan laga fileyn

Kadib dibad baxyo xoogan oo shalay gil gilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo looga soo horjeeday xukun jaceylka Faroole iyo odayaashii uu u xiray inay isaga diideen, ayaa warar xalay soo baxay waxa ay sheegayaan in Faroole iminka diyaar u yahay inuu tanaasulo.

Dadka reer Puntland ayaa si cad u diiday awood kororsiga Faroole, oo waqtigiisa ku eg yahay 8-da bisha January  ee soo aadan, balse doonaya sanad dheeri ah.

Dibadbaxyadii shalay ka dhacay Gaalkacyo, ayaa kaabayay mucaaraddo xoogan oo siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland ay ka qabaan maamul kordhisashada Faroole, oo gaartay heer dameeradii Puntland lagu qoro “NO Faroole”.

qardho 9Warar aan xalay ka helnay Garoowe, ayaa sheegaya in Faroole uu shir deg deg ah la qaatay xukuumadiisa, isaga oo doonaya in ra’yi laga siiyo tallaabadii uu qaadi lahaa, kadib markii ay cadaatay in reer Puntland ay diideen kali talisnimo.

Waxaan xogta ku helnay in Faroole lagula taliyay inuu ogolaado in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, haddii aysan dhici karinna uu qabsado waqti ka yar sanad oo lagu diyaariyo doorashada.

Waxaa la isku soo qaaday in waqtiga sanadka ah uu kusoo koobo 6 bilood, taasi oo la sheegay in Faroole uu aqbalay, balse uu marka hore eegi doono, haddii mucaraadada lagu hayo ay kasii darto iyo in kale.

Faroole waxa uu doonayaa in haddii dadka reer Puntland ay ka gaabiyaan diidmadooda in sanadkiisa dheeriga ah uu sii wato, balse haddii uu arko wixii shalay ka dhacay Gaalkacyo oo kale, uu ku dayo lix bilood.