Muxuu Sh. Maxamud Aw C/lle Cariif ka yiri wal walka Duufaanta Somalia?

Sheekh Maxamuud Aw Cabdula Cariif oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa ka hadlayay wararka sheegayay in Soomaaliya duufaano ay ku dhufan doonaan amaba ay ku dufteen, gaar ahaan dhul xeebeedyada.

Mar uu la hadlayay Idaacadaha Muqdisho waxaa uu sheegay Warkaas inuu yahay wax mala awaal ah laguna cabsi gelinayo dadka Islaamka ah.

Wuxuu carabaabay in wax walba qadarta Alle ay ku dhacaan laakiin aan lagu adkaysan karin ama aan hubaal laga dhigi karim inay dhacayaan duufanahaas.

Dhulalka ay duufaanka ka dhacayso ayuu tusaale ka bixiyay waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa ay ku noolyihiin dad Alle ka furtay lana ciqaabay hadii Soomaaliya ay ka dhacaana ayuu yiri Alla ka cabsiga oo ku yaraaday iyo dambiga oo batay ayaa sabab u ah.

Sheekh Maxamuudd Aw Cabdula Cariif  ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed in warkaas aysan qaadan oo ay tala saartaan Allaah.

Inkasta oo meelo ka mid ah xeebaha waqooyi bari xalay ay ka dhaceen roobab xoogaan iyo duufaano, haddana ma ahayn kuwa aad u weyn oo la mid ah kuwii saadaasha laga bixiyay.