24.5 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

XOG: Yaa caqabad ku ah dhex dhexaadinta Ethiopia ee Eritrea iyo Jabuuti?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaan wali go’aan muuqda ka gaarin khilaafka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo heerkii ugu xumaa gaarsiisan.

Dowlada Ethiopia ayaa hamineysa inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal, isla markaana xal ka dhex abuurta si loogu wada noolado deganaanshi.

Ethiopia oo dhawaan sheegtay inay qaadeyso talaabo lagu dhex dhexaadinayo labada dal, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in go’aanka ay ku dhex dhexaadin laheyd ay caqabad ku tahay dowlada Sacuudiga.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman, ayaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka hortaagan xalinta khilaafka labada dal, waxa uuna ku cadaadinayaa inuu faraha kala baxo Khilaafka Eriterea iyo Jabuuti.

Mohammed Bin Salman,ayaa la sheegay in khadka teleefanka uu kula hadlay Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo ay ka go’an tahay dhex dhexaadinta labada dal waxa ayna kawada hadleen qaab waliba oo lagu joojin karo dhex dhexaadinta, wallow Abiy Axmed uusan wali qaadan wax go’aan ah.

Mohammed Bin Salman, ayaa Siyaasad ahaan la safan dowlada Eriterea oo dhul baaxad weyn iyo maxaabiis ka heysata Jabouti, waxa uuna aad uga soo horjeeda in wadahadalka labadaasi dal ay Jabuuti ku hesho dhulka iyo maxaabiista ay ka heysato Eriterea.

Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa arrinta lagu cadaadinaayo Jabuuti kula gol leh is garabtaag ay u muujineyso dowlada Imaaraadka iyo Eriterea oo ka mideysan inaan lala heshiin Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo culeys weyn kala kulmeysa dowlada Sacuudiga ayan la ogeyn waxa kala gudboon dhex dhexaadinta dowladaha Eriterea iyo Jabuuti, wallow ay muuqaneyso in arrinta dhex dhexaadinta loo soo weeciyay Somalia oo la filaayo inay u kala dabqaado labada Madaxweyne ee Afwerki iyo Geele.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News