SAWIRRO: Madaxweynaha cusub ee DDSl oo lagu soo dhaweeyay Jigjiga?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) –ย Waxaa maanta gelinkii danbe gaaray magaalada Jigjiga Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar oo dhawaan loo doortay xilka.

Madaxweyne Mustaf Muxumad Cumar ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay masโ€™uuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka magaalada Jigjiga.

Saraakiil ka tirsan Jabhada mucaaradka ONLF ayaa sidoo kale ka qeybqaatay soo dhaweynta hogaamiyahan cusub iyagoo sheegay inay isku mowqif yihiin.

Madaxweynaha DDSI Mustaf Muxumad ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa oo xarun u ah dalka Ethiopia tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo.

Madaxweynaha ayaa waxaa gaaristiisa magaalada Jigjiga kadib la dejiyay Madaxtooyada Jigjiga oo ay dhowaan ammaankeeda la wareegeen ciidamo Milatari ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.

- Advertisement -

Read more

Local News