Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Stadio Muqdisho ee Degmada Warta Nabadda ka guuray ciidamada AMISOM qeybtii ugu danbeysay.
Bixitaanka ciidamada kadib ayaa waxaa Garoonka Stadio Muqdisho gudaha u galay kumanaan shacab ah kuwaa oo ku damaashadaya garoonka.
Dadka gudaha u galay Garoonka ayaa waxa ay isugu jiraan rag, dumar, carruur iyo dad waaweyn oo halkaa ku soo dhaweynaya tallaabada Ciidamada AMISOM ay kaga guureen.
Banaanbax nabadeed oo soo dhaweyn ah ayaa halkaasi ka socda,waxaana halkaasi ku qulqulaaya gaadiid farabadan oo ay wataan dad shacab ah.
Sidoo kale, Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ayaa ku sugan Garoonka Stadio Muqdisho, halkaa oo ay sugayaan amaankeeda.
Ciidamada AMISOM ayaa garoonka ka baxay 7-sano kadib waxa ayna ka dhigan tahay tallaabo wanaagsan oo ay ku dadaashay dowladda Federalka Somaliya.
Sawiro laga soo qaaday dadka isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka, maadaama baaxadiisa ay weyn tahay.