Sawiro: Mareykanka oo DF u diyaariyey ciidan cusub oo u booda goobaha halista

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar cusub u soo xirtay Ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan qeybta sida gaarka ah u tababar ee Danab.

Ciidamadan oo ay ku jiraan kuwa u booda goobaha halista iyo guryaha ayaa waxaa tababarka loogu  soo xiray Muqdisho.

Ciidamadan oo sidoo kale loo tababaray fulinta  howlgallada qorsheysan, ayaa ka howlgali doona Saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay Somalia.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay 31 askari oo ka tirsan ciidamada Danab ayaa tababarkan la siiyay.

Ciidamadan ayaa loo dhameystiray saanad ciidan ee askari u baahan yahay, waxaana taasi sii dheer in askartan la siiyay gaadiid ay ku hawlgalaan.

Sidoo kale, Saldhiga ugu wayn ee Ciidamada Danab lagu tababaro, ayaa wuxuu ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha hoose, hayeeshe ciidankaan ayaa intii uu tababarka u socday, waxa ay ku qaadanayeen Xerada Xalane oo Saraakiisha Mareykanka ay joogaan.