Axmed Madoobe oo soo bandhigay arrin ay isugu soo dhowaan karaan DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ka laabteen go’aano ay horay u gaareen, balse iminka ay adkaan doonto dib uga laabashada go’aanka.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay si ku tallo gal ah uga meermeereyso xaqiiqda, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in iyaguna ay ka meermeeri doonaan wixii jira.

Wuxuu sheegay Hogaamiyaha inay dhici karto isku soo dhawaanshi, balse ay ku imaankarto waddo xalaal ah oo aan laga weecan doonin.

Waxa uu carab dhabay in isku soo dhawaanshaha ay ku imaankarto keliya dowlada Somalia oo qirato khaladaadka ay ku heyso maamulada, sida uu hadalka u dhigay mar uu la kulmay qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka.

“Maamuladu waxa ay gaaren go’aan aan dib loogu noqon doonin, isku soo dhawaanshaha dowlada iyo maamulada waxa uu imaan karaa keliya marka ay dowlada dhexe qirato dhibta ay nagu heyso hadii aynu nahay maamulada”

Waxa uu sheegay inuusan garankarin si ay kula shaqeeyan dowlad aan la dhaqmeynin maamulada hoosta, sida uu yiri waxa uuna untaa ku daray in madaxda dalka laga doonaayo inay wanaajiyaan siyaasada ay ku dhaqmayaan.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa arin adag ku sheegay in maamulada ay muujiyaan tanaasul, waxa uuna carab dhabay in dhibta ugu horeysa oo ay kala kulmayaan dowlada ay tahay faragalin dhanka doorashada ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal go’aanada adag ee kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com