Xisbi shaaciyey in si been abuur ah magaciisa loogu taageeray maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Kulan oo ka mida xisbiyada dalka ka jira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si khaldan magaciisa loogu adeegsado war-saxaafadeedyada ay soo saaraan xisbiyo iyo kutlad mucaarad ah.

Qoraalka Xisbiga Kulan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xisbiga Cismaan Xasan Cilmi ayaa lagu sheegay in xisbiga uu mowqif dhexdhexaad aamisan yahay, isla markaana aanu la qabin kooxaha iyo xisbiyada soo saaray war-saxaafadeedka ay ku taageereen shirkii Kismaay.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com