Caddeyn: Taliyaha NISA oo musuq maasuq ku haya kursiga BF ee uu baneeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhristateen warbixinadeenii hore, Taliyaha Nabadusgidda Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu eedeeyey inuu  musuq maasuq xooggan ku sameenayo tartanka loogu jiro booska Xildhibaano ee uu isaga baneeyey.

Taliyaha ayaa lagu eedeeyey inuu booskaas la rabo nin la dhashay oo lagu magacaabo Sayid Cali Cismaan isagoo arrintaas u marayo guddiga doorashooyinka iyo Suldaanka Beesha Galadi gaar ahaan lafta Habadhaale.

Cabdullaahi Cumar Xalwo oo ahaa musharax booskaas dartiisa uga imaaday dalka Debadiisa ayaa laga hor istaagay inuu isku soo sharaxo booskaas.

Muuqaal lagu faafiyey baraha Bulshada ayuu Cabdullaahi ku sheegay inuu debadda uga imaaday si uu ugu tartamo booskaas xilli uu aad u yaraa waqtiga loo qabtay dadka isi soo sharaxi karo.

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu si deg deg ah u maray Waraaqda dambi baarista oo aheyd mid kamid ah shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta kadibna wuxuu tilmaamay inuu si toos ah u tagay xarunta guddigga doorashooyinka madax banaan oo lagu diiwaangelinayey musharixiinta u tartameyso booska uu baneeyey taliyaha nabadsugidda Xuseen.

Wuxuu sheegay inuu lacagta diiwaangelinta oo aheyd 5000 oo Dollar uu ku waday gacanta balse loo sheegay inay tahay inuu kusoo shubo Bankiga haddii uu irridda ka baxana aan laga qaban doonin waraaqaha.

Cabdullaahi ayaa tilmaamay inuu ugu dambeyn qaatay go’aan ah inuu lacagta kusoo shubo Bankiga balse nasiib darri loo  sheegay markuu xafiiska tagay in waqtiga daawangelinta ay ku ekeyd Hal saac ka hor waqtigaasna ay aheyd Tuban Saac oo galabnimo m

Cabdullaahi ayaa kiiskaas ku eedeeyey inuu ka dambeeyo Taliyaha Nabadsugidda Qaranka oo garab ka helayo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Suldaanka Beeshiisa uu soo qortay dad aan aheyn odayaashii loogu talagalay inay coddeeyaan arrintaasna ay tahay musuq maasuq xooggan.

Arrinta yaabka leh ee uu sheegay ayaa aheyd in Saldaanka Beesha iyo Taliyaha Nabadsugidda inay wada dhasheyn isla markaasna uu isaga markii horaba ka shaqeeyey inuu booskaas qabto.

Ugu dambeyntii Cabdullaahi ayaa sheegay inuu hadda dib ugu laabtay halkii uu ka imaaday isla markaasna uu Taliyaha Nabadsugidda ka hor istaagay inuu booskaas isku soo sharaxo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekadadan yaabka leh:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com