Shariif: Maamulkayga xiriir uma jarin DF SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uusan xiriirka u jarin DFS.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la kala saaro “xiriir u jaris iyo hakin wada shaqeen”.

Waxa uu sheegay inay ku dhawaaqen kaliya hakat ku imaaday wada shaqeynta uu maamulkiisa la lahaa dowlada Dhexe ee Somalia, balse aanu jarin xiriirka.

“Dadku waxaa isaga khaldan xiriir la jaro iyo wada shaqeyn hakat gasha, anagu waxaan hakinay wada shaqeynta aan la laheyn dowlada ee ma aanan u jarin xiriirka”

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay keliya in dowladda dhexe ay la shaqeyn waayeen, taasina ay keentay in ay joojiyaan keliya wadashaqeyntii ay la lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Nuqulo coda oo ay baahisay Idaacada shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay in Shariif Xasan uu wax kama jiraan ka dhigay inay xiriirka u jareen Dowlada Somalia.

Nuqulada ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan hakinay xiriirkii wada shaqeynta balse ma aanu sheegin in xiriirka aan u jarnay dowlada Dhexe”

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa tabanaaya faragalin waxa uuna muujinayaa in kalsooni daro ay ka heysato dhanka doorashada, maadaama uu walaac ka qabo in dowlada Somalia ay ku sameyn doonto faragalin.

Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in dadaal xoogan ay ku bixiso sida ay kusoo celin laheyd maamul Goboleedyada oo iyagu is biday inay ka maarman dowlada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com