Dhageyso baaritaan VOA ay ku sammeysay kiiska ugu weyn musuq-maasuqa DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa hakiyey mashruuc ku saabsan horumairnta dadka reer guuraaga ah oo uu ka waday Soomaaliya kadib markii ay soo baxday in mashruucaas si xun loo maamulay.

Dawladda Soomaaliya waxay isku dayday inay wax ka qabato walaaca bankiga islaamka, iyadoo xabsiga u taxaabtay sarkaalkii maamulayey mashruucaas, oo illaa iyo hadda xabsiga ku jira, islamarkaana sugaya in la maxkamadeeyo.

Mashruucan, oo hoos imanayey wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa laga fulinayey gobollada Mudug, Gedo iyo Baki, waxaana uu ku kacayey lacag dhan shan milyan oo dollar, oo sida la sheegay shan boqol oo kun oo dollar oo ka mid ah la xaday.

Kiiskan ayaa la sheegay inuu yahay kiiska ugu weyn musuq-maasuqa ee kiisaska ay dadka u xirtay dowladda Soomaaliya, waxaana tallaabada ay qaaday dowladda ay qeyb ka tahay isku day la doonayo in mashruuca dib loo billaabo.

Waxaayaba yaabka leh ee dhacay ayaa waxaa ka mid ah lacag caddaan ah oo mashruuc loogu talo-galay oo lagala baxay bankiga dhexe, rasiit la’aan, alaabo lasoo gaday oo lagu qoray lacag ka badan lacagta laga soo bixiyey iyo arrimo kale.

Haddaba sidee ayey wax u dhaceen oo loo maamulay mashruucan? Waa mowduuca Barnaamijka Galka Baarista idaacadda VOA, waxaana soo jeedinaya oo arrintan baaritaan ku sameeyey Haaruun Macruuf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com