Hanti dhowrka guud ee DF jawaab ka bixiyey arrin ay sheegeen maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa jawaab culus ka bixiyey eedeymihii ay u soo jeediyeen madaxda Maamul Goboleedyada ee dhowaan ku shiray magaalada Kismaayo iyo xildhibannada qaarkood.

War-saxaafadeed ka so baxay Hanti dhowrka Guud ayaa lagu faahfaahiyey shaqada iyo madax bannaanida hantidhowrka, iyadoo loogu cudurdaaray tuhunkii ay geliyeen madax bannaanida Hanti dhowrka Qaranka, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu ku casuumayo cid kasta oo mas’uul ah oo raba inuu warbixin dheeraad ah ka helo Xafiiska Hanti dhowrka, isla markaana albaabadiisa u furan yihiin.

Hadalka Hanti dhowrka uu ka jawaabayo ayaa ah midkii ay maamul Goboleedyada ku sheegeyn in la siyaasadeeyay hey’adihii madaxa banaanaa sida Garsoorka, Hanti dhowrka Guud iyo Amniga.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka