WASIIR dagaal dhimasho geystay maanta ku qaaday Ceel-Macaan (Khasaraha)

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo uu watay Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda maamulka Hir-Shabeelle iyo ciidamo kale ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobobka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa ka danbeeyay kadib markii Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cusmaan Xaadaale uu isku dayay in lacago baada uu ka qaato God carada laga qodo oo ku yaala deeganka.

Ciidamada la dagaalamayay kuwa uu watay Wasiiru dowlaha ayaa diiday in lacago baada laga qaado Godka, waxaana lasoo sheegayaa in sidaa uu ku bilowday dagaalka.

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo kamid ahaa Xoogsatada kaawada ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacmay 7 kale oo kamid ahaa dadka kaawada sida wararku ay sheegayan.

Dhaawacyada ayaa la dhigay Isbitaalka Keysaney ee Duleedka magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, halka Meydadka durbadiiba ay goobta ka qaaten eheladooda.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Hir-Shabelle ayaan wali ka hadal dagaalka iyo dhiiga ku daatay weerarka uu Wasiiru dowlaha ku qaaday deegaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com