Xiisad siyaasadeed culus oo kacsan iyo 89 xildhibaan oo mooshin gudbiyey

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaas oo kulankooda uga hadlay inay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada shiray oo tiro ahaan lagu sheegay 89 ayaa waxa ay mooshinka ay ka wadaan guddoomiye Cali Gacal Casir waxa ay u gudbiyeen ku xigeenkiisa koowaad Xareed Cali Xareed,waxana lagu soo waramayaa in uu aqbalay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in mooshinka laga keenay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug laga doodi doonaa,isla markaana la horgeyn doonaa Baarlamaanka Maalinta berrito ah sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo goordhaw la hadlay saxaafadda ayaa kahor yimid Mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu sheegay in aan Xildhibaano aheyn Dadka ka gudbiyay Mooshinka, Maadaama aan aqoonsaneen kamid ahaanshiyaha Xildhibaanada iyo Habkii ay kusoo galeen sida uu hadalka u dhigya.

Cali Gacal ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay waday Waanwaan gabo-gabo mareysay oo lagu xalinayay Labada garab ay u qaybsameen Madaxda Galmudug, hayeshee waxa uu tilmaamay in ay burburiyeen dad uu ku sheegay in aan sharci ku imaan.

Gudoomiye Gacal ayaa sheegay in aan Sharci aheyn in isaga oo Dalka ku sugan Kulanka Baarlamaanka uu shir gudoomiyo ku xigeenkiisa, waxa uuna ku tilmaamay foodo iyo dhibaato loo horseedayo Dadka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in tallaabadaan lagu bur-burinayo Heshiisyadii Jabuuti iyo Muqdisho lagu gaaray ee looga hadlayay Sameynta Maamul ka hana qaada Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com