Beesha Daguuro Maxamed oo kalsoonidii kala laabatay xildhibaanad Naciimo

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan Ballaaran isugu yimid odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, haweenka iyo qeybaha bulshada beesha Daguuro Max’ed oo ka mid ah beelaha beelweynta Murusade.

Kulankan ayaa la sheegay iney ujeedadiisu aheyd sidii beeshu ula jaanqaadi laheyd xaaladaha dalka ka jira, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin u doodista xuquuqda ka maqan beesha iyo cabasho ka dhan ah Xildhibaanadda Baarlamanka ku metesha beesha ee Naciima Maxamed Gacal.

“Shirkani waa mid lagu taageerayo dowlada federaalka, laguna soo gudbinayo cabashada beesa si codkoodu u gaaro madaxda sare ee dowlada, maadaama ay beeshu weysay Xildhibaan si cadaalad ah ugu metela kursiga” ayaa lagu yiri bayaan laga soo saaray gebagebadii shirkaas.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay iney maqan yihiin dhamaan xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowlada sida:-

1-Saraakiishii lagu laayey agagaarka madaxtooyada Somalia oo aysan weli cidina ka hadlin xuquuqdoodii.

2-Beesha oo illaa hadda aysan jirin wax xil ah oo ay ku leedahay dowlada dhexe, iyadoo weysay dhamaan xilalkiii ay horey uga heysay.

3-Ma jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya dowlada iyo beesha taasoo meesha ka saartay xuquudqii ay ku beeshu ku laheyd dowlada iyo tii ay dowladu ku laheyd beesha.

4-Beeshu waxay ka cabaneysaa Xildhibaanada beesha Naciimo Maxamed Gacal oo ku fashilantay kaalintii ay ku meteleysay beesha, iyadoo ku guuldareysatay qodobada soo socda:-

a) Iney cadaalad iyo sinaan u sameyso beesha ay metesho.

b) Iney noqoto buundadii xiriirineysay dowlada dhexe iyo beesha, iyadoo taa bedelkeed kursiga kul ilaashato danaheeda gaarka ah.

c) Iney soo gaarsiiso wax kasta oo ay magaca beesha uga soo qaado dowlada dhexe sida Waxbarashada, Caafimaadka, xilalka iwm.

d) Waxay ku caan baxday iney danaheeda gaarka ah ka hormariso danta guud ee loo igmaday.

e) Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal waxay beesha ay ka dhalatay ka dooratay hal shaqsi oo ay ku heshiiyeen danaheeda gaarka ah.

f) Waxaa horey u jiray shirar badan oo ay beeshu ku casuuntay Xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal weyna ku gacan seyrtay.

Gebagebadii bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in beesha oo tixraaceysa hadalkii madaxda dowlada ee ahaa in bulshadu soo gudbiso cabashadeeda ay ku wargelinayaan in la musuqmaasuqay xuquuqdii beesha, aysana xildhibaanad Naciimo Maxamed Gacal metelin beesha Daguuro Maxamed.