Xiddig oo shaaciyey lacag si qarsoodi oo mugdi ah la isugu dhiibay boorsooyin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid xidig oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku turxan bixiyay heerka uu wali gaarsiisan yahay musuqa ka jira dalka.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in musuqa uu wali yahay mid ka dhex jira xarumaha dowlada, isla markaana dowlada Somalia gaar ahaan Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka laga doonaayo inay dhexda u xirtaan xaqiiqda isla markaana baaritaankooda ku beegsadan dadka waaweyn, sida uu ku cadeeyay qoraalka.

Xildhibaan Xidig waxa uu qoraalkiisa Facebook ku sheegay in dowlada Somalia ay baaritaanka ku heyso dadka masaakiinta ah ee xaday waxa yar balse aysan arag kuwa boorsada isugu dhiiba goobaha mugdiga ah.

Waxa uu tilmaamay in Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka laga doonaayo in baaritaankooda la dagaalanka musuqa ay ku bartilmaansadan mas’uuliyiinta waaweyn.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN

Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka iyo Kuwa heer Dowlad Goboled iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xilsaaran yihin waxaa looga baahan yahay inay sameyan baadhitaan degdeg ah, Xidhaana dhamaan xisaabaha socda ee qeyb ka noqda tuhunka abuuran:

Sidoo kale waa inay Shaqo joojina ku sameyan shakhsi kasta oo ay lugta la gasho Masuuliyad kasta oo uu hayo her federaal iyo. Mid Dowlad Goboleed taasi waxay fududeyneysaa in la sameyo baadhitaan la,aamini karo:

Hanti dhowrka iyo xeer ilaalinta waxaa looga baahan yahay inay Qabtaan Atoorayasha xisaabaha waaweyn ay ku Maqan yihin, maaha masakinta Digaaga xaday kaliya in sharciga lagu fuliyo:

Waxaa cad inay jirto dhaqaale Qaran oo la lunsaday waxaana cadeyn u ah in laysku injury waxa la kala qaatay waana in laga daba tagaa meelaha la dhigtay xisabaha maqan iyadoo lala kaashanaayo Booliska Adunka ee (Interpol):

Kiiskan ma noqon doono mid si fudud looga gudbo, bulshada soomaaliyeed siiba dhalinyarada waxan ugu baaqayaa inay doorka kaga Aadan ka qaataan,

Dhaqaalaha boorsada leysugu dhiibay xili mugdi ah ee aan la marinin Account iyo bank transfer toona waxay shaqo u abuuri kartay boqolaal dhalinyaro ah ,

Waxay dhisi kartay Isbitaalo, iskuulo sidoo kale waxaa Mushar loo sin lahaa Ciidamada Amniga ee Gobolada oo madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyadu sheegeen inaysan mudo dheer mushaar qaadanin:

Xaqii ayaa feedhaha ka dilaacay: