Imaaraatka oo qorshe halis ah wada – Blackwater iyo qabaa’illo ku caawinaya

Muqdisho (Caasimada Online) –Jariirada Caanka ah ee Al-Sharqi ayaa wareysi la yeelatay Falanqeeyaha Soomaaliyeed Cali Jabril Al- Kuti kaasoo ku takhasusay arrimaha Africa iyo Badaha.

Cali ayaa banaanka soo dhigay sababta ay Imaaraadka Carabta u joogto dalka Soomaaliya isagoo caddeeyey inay ujeedka ugu weyn oo ay ka leedahay Geeska Africa uu yahay sidii ay u qalqal gelin laheyd danaha ay Qatar iyo Turkiga ka leeyihiin Somalia.

Wuxuu Cali sheegay in Imaaraadka ay arrintaas u adeegsanayaan calooshood u shaqeystayaal ka tirsan Blackwater si ay u ilaaliyaan danaha Imaaraadka ee Soomaaliya.

Cali ayaa wareysiga uu siiyey Al-Sharqi ku sheegay inay Imaaraadka Carabta hubeysay qaar ka tirsan qabaa’ilada Soomaaliya si ay u dumiyaan dowladda Dhexe.

Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in xiritaankii Isbitaalka Zayid ee Magaalada Muqdisho uu muujiyey xaqiiqda kaalinta ay Imaaraadka Carabta ka cayaareyso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay aad ugu dhowdahay inay la safato Qatar marka loo fiiriyo dhibaatada ka taagan Khaliijka.

Wuxuu intaas ku daray in Maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ka wado yahay mid been ah oo aan waxba ka jirin loogana gol leeyahay sidoo loo xayiri lahaa Mashaariicda ay Turkiga ka wado Soomaaliya.

Wuxuu si gaar ah u sheegay inay Imaaraadka Taabatay horumarka ay Ingineerada Turkiga ka wadaan Dekadaha Soomaaliya gaar ahaan midda Muqdisho maadaama ay Imaaraadka aaminsan tahay in dakadaheeda ay hoos u dhac sameyn doonaan haddii kuwa Soomaaliya la hormariyo.

Falanqeeye Cali ayaa tilmaamay inay Imaaraadka dooneyso kala qeybinta Soomaaliya iyadoo loo marayo maamul Goboleedyada sidoo kalana ay wado daciifinta dowladda Dhexe.

Wuxuu ku dooday Imaaraadka inaysan dooneyn inay dhisto kaabayaasha dhaqaale ee Dowladda dhexe taas badalkeedana ay ka shaqeeneyso sidii la isaga horkeeni lahaa dowladda Shacabka Soomaaliyeed.

Mar wax laga waydiiyey ujeedka ay Imaaraadka Carabta ka leedahay hubeynta Qabiilada Soomaaliya ayuu ku sheegay inay arrintaas kaga dayineyso gumeystayaashii hore oo fahansanaa in Soomaaliya meesha kaliya ee la isaga hor keeni karo ay tahay in Qabiilada la hubeeyo isla markaasna loo adeegsado duminta dowladda.

Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyey inay marmarsiiyo ka dhiganeyso inay ciidamadaas u tababareyso dowladda Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu qaldayo Ra’yul Caamka.

Ugu dambeyntii wuxuu xusay inay Imaarad Carabta ay ka shaqeeneyso sidii ay Soomaaliya uga go’i laheyd Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com