Xog: Jabuuti oo shaacisay in Geelle lagu casuumay shirka Jeddah iyo in kale?

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa isna la xaqiijiyey in lagu casuumay oo uu ka qeyb-gali doono shir madaxeedka magaalada Jeddah ee heshiiska taariikhiga ah ay ku saxiixan doonaan dalalka Ethiopia iyo Eritrea kadib labaatan sano oo colaad ah.

Boqorka Sacuudi Careebiya Boqor Salman Bin Abdulaziz oo goobjoog ka ah munaasadda islamarkaana Axadda soo socota lagu qaban doono magaalada Jeddah ayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Eretariya Isaisa Afwerki ku saxiixi doonaan heshiiska iyagoo matalaya labadooda dowladood.

Ka sokow heshiiska Ethiopia iyo Eritrea, Jabuuti iyo Eritrea ayaa sidoo kale la filayaa in madaxda Sacuudiga ay ka dhex-shaqeeyaaan inay gaaraan heshiis buuxa, hase yeeshee taas wax faahfaahin ah lagama hayo weli.

Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Jabuuti ayaa Caasimada Online u sheegay in wafti horudhac ah oo ka socda Jabuuti ay xalay aadeen magaalada Jeddah, islamarkaana madaxweyne Geelle uu isna kusii jeedo halkaas saacadaha soo socda.

Marka la eego dalalka Geeska Afrika, ee dadaallada nabadeed waday dhowaan, waxaa shirka ka maqan oo kaliya Soomaaliya, lamana shaacin sababta keentay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya laga reebo ka qeyb galka xafladda ballaaran ee saxiixa Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea.

Hayeeshee, waxaa loo maleynayaa inay sabab u tahay xiriirka xun uu u dhaxeeya Sacuudiga iyo Villa Somalia, ee ka dhashay markii dowladda ay diiday inay xulufada Sacuudiga ku taageerto khilaafka kala dhaxeeya Qatar.

Xukuumadda Riyadh ayaa la fahamsan yahay in aynaan ku faraxsaneyn mowqifka dowladda Federaalka ee xiisadda wadamada Khaliijka, waxayna u aragtaa in Madaxtooyada Soomaaliya ay u weecatay dhanka dowladda Qadar, oo ay ku riixayaan shaqsiyaad saameyn weyn ku leh maamulka Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com