27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Yuusuf Garaad oo tusaale la xiriira AADAN BARRE ku xujeystay xildhibaanada BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yusuf Garaad Cumar ayaa xujeystay mudaneyaasha baarlamaanka dowladda Federaal-ka ee Soomaaliya isaga oo hadal qabsanaya gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Aadan Barre Ducaale ayaa ku faanay waxqabadkiisa mudaddii uu ahaa xildhibaanka magaalada Gaarisa oo uu sheegay in uu is bedel weyn oo dhinaca waxbarashada ah ka sameeyey magaalada, kuna soo kordhiyey isbeddelo badan.

Ducaale oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Markii la i dooranaayay magaalada Gaarisa waxay lahayd 5 madaaris oo Thanaawi ah [yacni Dugsi Sare]. Maanta 36 madaaris ayaa ka dhisan”.

Yusuf Garaad oo taas daba socda ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkaas waxa uuna raaciyey:  “Waa ayo Xildhibaanka Soomaaliya ee la tartami kara  oo magaaladiisa intaa ku kaalay? Fadlan gacanta taag”.

Xujada Yusuf Garaad ayaa laga dhadhansan karaa in uu ku dhiirigalinayo xildhibaanada Soomaaliya iyada oo ay farriitu u muuqato “Fadhiga ka kaca!”

- Advertisement -

Read more

Local News