Aadan Barre oo qorshaha mucaaradka ka hor-tagey

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxa golaha aqlabiyada Barlamanka ahna mudanaha magaalada Garissa ee Gobolka W/Bari Kenya Aden Bare Ducaale, ayaa qaadacay qorsho uu mucaaradka Kenya ku doonayo in lagu bedelo Dastuurka Kenya.

Qorshahani oo ah afti loo qaadayo Dastuurka ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Mudanayaal ka tirsan xisbul xaakimka haya talada Kenya oo uu Hoggaaminaayo Aden Bare Ducaale.

Aden Bare Ducaale, oo ka goosa heysta Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in qorshaha wax ka bedelka Dastuurka iyo Aftida ay tahay mid u taalla madaxweyne Kenyatta.

Aden Bare Ducaale ayaa yiri “Dastuur afti loo qaadayo ma jirto dalka waxa uu leeyahay Madaxweyne isaga ayey howshaasi go’aan ka gaaristeeda u taal”.

Aden Bare Ducaale, waxa uu carab dhabay in qorshaha Xildhibaanada Mucaaradka uu yahay mid lagu doonaayo in la jaanrogo Dastuurka, waxa uuna tilmaamay in arrinkaasi uu yahay mid daba socda  olole uu daah furay hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Third Way Allaince Ekuru Aukot oo uu afti uga aruurinayo muwaadiniinta kenya.

Sidoo kale, hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Third Way ayaa waxyaabaha sida gaarka ah u doonayo ah in laga yareeyo kuraasta badan ee barlamaanka iyo kuwa aqalka hoose ee dowlad degaaneedyada oo uu sheegay in aysan dani ugu Jirin hormarka kenya.

Si kastab aha ahaatee, Xildhibaanada Mucaaradka Kenya iyo Madaxdooda ayaa ku daah furay magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu ee bartamaha Kenya mashruuca aftida laga qaadayo Kenyanka waxaana Hoggaamiyaha xisbiga Third Way Ekuru Aukot, wallow aan la saadaalinkarin sida uu ku hirgali doono.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com