Falastiin oo maxkamadda ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah Donald TRUMP

Muqdisho (Caasimada Online) – Falastiin ayaa markii ugu horeysay Dacwad heer caalami ah ka gudbisay dowlada Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Donald Trump.

Dacwadani oo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa loo gudbiyay Maxkamada danbiyada dagaalka aduunka.

Falastiin ayaa dacwadeeda ku qeexday go’aanka safaarada mareykanka uu ku leeyahay Israel looga soo raray magaalada Tel Aviv.

Qoraal uusoo saray garsooraha Maxkamada caalamiga ah ee loo yaqaan ICJ ayaa dowlada falastiin waxay ku sheegtay talaabada Mareykanka uu safardiisa ugu raray magaalada Jerusalem ay tahay mid aan fadhin.

Dacwada falastiin ay ka gudbisay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu qeexay in ay jabineyso xiriirka caalamiga ah ee diblumaasiyada oo lagu saxiixay magaalada Vienna sanadkii 196.

Sidoo kale, Dacwada ay gudbisay falastiin ee gaartay Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ayaa waxaa lagu cadeeyay in xukuumada washington ay ku xadgudubtay madax banaanida.

Dhinaca kale, Madaxda Falastiiniinta ayaa Maxkamada ka dalbaday in si dhaqsi ah ay ugu dhawaaqdo in sharci daro ay tahay talaabada ay dowlada Mareykanka uu safaaradiisa ugu raray magaalada Jerusalem ee dhulka Falastiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com