DF oo saxiixday heshiisyo kala duwan oo dhowr ah iyo wasiir ka hadlay (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sida loo xoojin lahaa barnaamijka Isxilqaan oo si hordhac ah iminka uga dhaqan galay Somalia.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somalia Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka qeyb galayay shir looga hadlayay sidii looga qeyb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ayaa sheegay in Wasaaradda ay saxiixday heshiisyo kala duwan oo xoojinaaya barnaamijka isxilqaam.

Waxa uu Wasiir ku-xigeenku sheegay in Heshiisyadaasi ay u baahan tahay in si wada jira looga shaqeeyo dhaqan galkooda isla markaana leyska kaashto sida looga miro dhalin lahaa.

Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Heshiisyada qaar oo ay la gashay Beesha caalamka uu yahay mid ku aadan dib u dhiska iyo soo celinta bilicda dalka.

Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay goob joog ka aheyd heshiis dhawaan ay Wasaaradda arrimada dibadda la saxiixatay Beesha Caalamka, taa oo sahashay inay kordhaan Heshiisyada ay galayaan.

Waxa uu carab dhabay Wasiir ku-xigeenka in dib u dhiska dalka uu u baahan yahay iskaashi, waxa uuna cadeeyay in Heshiisyada heerka caalami keliya uusan waxba u tareynin, isla markaana la doonayo in lagu sii shaqeeyo barnaamijka isxilqaam.

Sidoo kale, waxa uu Wasiir ku-xigeenta tilmaamay in Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somalia ay waddo qorshayaal lagu dhisayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Gobollada dalka.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka faa’iideystan barnaamijka isxilqaam, isagoo ka dalbaday inay heegan u galaan sida ay u dhisan lahaayen dalkooda.

Dhinaca kale, heshiisyada heerka caalami ayuu sheegay in ilaa iyo xad ay ka faa’iideysan doonto Somalia, hase yeeshee dal waliba uu dadkiisa dhisto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com