Wadaad caan ah oo shaaca ka qaaday in Somalia ay dhoofiso daroogo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan dalka ay kusii kordhayaan dadka isticmaala daroogada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Wajiis, ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in lagu beero qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in isticmaalka maandooriyaha uu yahay mid xadka ka baxay isla markaana Somalia ay gaartay heer ay dibadaha u dhoofiso.

Waxa uu tilmaamay in daroogooyinka lagu beero Somalia ay badi yihiin kuwo ka baxa jiinka webiga kuwaa oo miraha kasoo go’a loo dhoofiyo dalka dibadiisa, halka qaarna lagu isticmaalo gudaha dalka.

“Dooroogada ka baxda Somalia waa noocyo kala duwan marka ay soo go’do ayaa la qalajiyaa kadibna waxaa loo dhoofiyaa dibadda”

“Waxaa lagu beeraa Gobolada dhan gaar ahaan hareeraha Wabiyada dalka mara waxaana gurta dad ku shaqeysta”

Wuxuu tilmaamay Sheekha in dekadaha dalka mar walba la isku dayo in laga soo dajiyo daroogada oo markii la qabto la gubo, kuwaa oo uu cadeeyay inay ka halis badan tahay kuwa dalka laga dhoofiyo.

Wadaadka waxa uu carab dhabay in gudaha magaalada Muqdisho ay ku yaalan goobo badan lagu iibiyo daroogada qeybahooda kala duwan kuwaa oo loo iibtago, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa dowlada Dhexe ugu baaqay inay ka hortagto daroogada sida caadiga ah loogu kala iibsado gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa uu ka digay in dowlada Somalia ay indhaha ka qabsato daroogada laga dhoofiyo garoomada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com