Aabe C/raxmaan Mukhtaar Saalax oo hadlay, shaacana ka qaaday sheeko xasaasi ah (Daawo wareysi cusub)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Aabaha dhalay Wiilkii guursaday gabadha ay muranka badan ka dhalatay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Mukhtaar Saalax ayaa markii ugu horeysay saxaafadda uga waramay sida ay u dhacday dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday Muqdisho.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wiilkiisa lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar uu guusaday Gabadhaas, isla markaana la isku qabsaday.

Wuxuu sheegay in markii labadaan Lamaane is guursadeyn ay gabadha hooyadeed dalbatay in Gabadheeda loo furo, isla markaasna aysan ku qanacsaneyn in lasii qabo.

Wuxuu tilmaamay inuu wiilkiisa ku amray furitaanka Gabadha, markaasna lagu furay Hal dalaaqo, sida uu isaga hadalka u dhigay, balse wuxuu sheegay inay hooyada dalbatay in gabadheeda loogu furo laba dalaaqo.

Cabdiraxmaan ayaa xusay inay aqbaleyn codsiga Hooyada dhashay gabadha uu guursaday wiilkiisa sidaasna loogu furo Laba dalaaqo, wuxuuna sheegay inuu hooyada u sheegay inay gabadheeda ceshato.

Aabahaan ayaa intaas ku daray in markii gabadha la furay hooyeedna loo dhiibay ay mar kale kasoo baxsatay qoyskeeda xilli saq dhexe ah.

Wuxuu tilmaamay inay subiixii hore guriga ugu imaadeyn Hooyadii iyo nin qori wato looguna hanjabay in la dili doono haddii uusan gabadha keenin xilli uu isaga ku doodayey inuusan gabadha isaga soo wadan balse ay jeclaatay wiilkiisa.

Muran dheer kadib wuxuu xusay inay isku raaceyn Saldhigga sidaasna xabsiga loogu dhigay gabadha Hooyadeed iyo isagaba.

Halkaan hoose ka daawo sheekadaan oo ah mid dheer oo uu ka sheekeeyey Aabaha wiilka dhalay.